Weerar Qasaaro Geystay oo Xalay Ka Dhacay Boosaaso

Weerar Qasaaro Geystay oo Xalay Ka Dhacay Boosaaso

0
SHARE

BOOSAASO (Garsoor Online) — Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa dhintay 6 kalana waa ay ku dhaawacmene weerar xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Garsoor Online in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen barkantarool oo ciidamada Puntland ay ku lee yihiin  isgoyska soddonka gaar ahaan wadada dheer ee isku xirta kantaroolka laga soo galo magalaada iyo bartamaha.

Wararka ayaa sheegaya in weerarku uu ahaa mid xoogan oo laga dareemay Magaalada, waxana dadka deegaanka ay sheegayaan in xaalada ay adag tahay.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi oo ay ku jiraan askar ayaa loo qaaday Isbitalka Magaalada Boosaaso halkaasi oo lagu dabiibayo.

Xarakada AL Shabaab ayaa baraha ay Internet-ka ku lee yihiin waxa ay ku sheegeen in dagaalamayaal ka tirsan ay weerareen ciidamada Puntland.

Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkasi lagu dilay askar badan oo ka tirsan Ciidamda Maamulka Puntland oo ku sugnaa halka ay weerareen oo u dhaw Jaamacada Bariga Afrika.

Magaalada Boosaaso ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa la dagay Amni xumo, iyadoo dilal kala duwan ay ka dhaceen Magaalada maalmihii la soo dhaafay.

Shalay isla gobolka Bari waxaa lagu arkay deegaanka Karin oo 53km u jirta Qandala meydadka 3 ruux oo kamid ahaa dad ay Daacish gaari kala dageen dhawaan.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY