Weerar Culus oo Ka Dhacay Koonfurta Galgaduud

by Farah C/laahi | Wednesday, Jan 25, 2017 | 60 views

KISMAAYO (Garsoor Online) — Wararka laga helayo Deegaanka Dalsan oo koonfur bari 10km kaga beegan Degmada caabudwaaq ee koonfurta Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dabley hubeysan ay wada u galeen gaari nooca Soomaalida u taqaano NOHA oo marey duleedka Degmada Caabudwaaq.

Wararka ayaa intaa waxaa ay ku darayaan in dableyda ay rasaas xoogan ku fureen gaarigaasi islamarkaana ay ku dileen labo ruux oo saarnaa gaariga kuwaasi oo u kala gooshayey Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Magaalada Kalkacyo,

dadka deegaanka ayaa sheegay in labada ruux ee dilka loo geystay ay ku wajahnaayeen magaalada Kalkacyo islamarkaana ay ka baxeen degmada Caabudwaaq.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilka dadkani shacabka ah warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in dilkani uu ka danbeeyo aanooyin qabiil oo ka jira koonfurta G/galgaduud oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dilalka salka ku haya arimahaasi,

Mid ka mid ah Waxgaradka deegaanadaasi ayaa shaaciyey in ay soo kordhayaan dilalka salka ku haya aanooyin qabiil kuwaasi oo saameyey shacabka ku dhaqan halkaasi isagoona carabka ku dhuftay in laba beel oo walaala ah oo wada dagta deegaanadaasi uu ka dhaxeeya guluf xoogan taasina ay sababtay gacan ka hadal.

Wararkii ugu danbeeyey ee dulledka Caabudwaaq ayaa waxey sheegayaan in cabsi xoogan ay ka jirto halkii dadka lagu dilay iyadoona laga cabsi qabo in ay halkaasi ay ku dagaalamaan beelaha colaada ay u dhaxeyso oo daga dulledka Magaaladaasi.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka caabudwaaq iyo saraakiisha Amniga ee degmada oo ku aadan dilalkaasi ka dhacay dulledka Magaalada.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response