Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Xerada Imaaraadka ee Muqdisho

by Farah C/laahi | Saturday, Mar 11, 2017 | 68 views

Muqdisho (Garsoor Online) – Waxaa goordhow Weerar madaafiic ah lagu qaaday Xerada tababar oo Dowladda Imaaraadka Carabta ay ku leeyihiin Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo 5 Hoobiye ayaa lagu beegsaday Xarunta, balse weli lama soo sheegin hadii ay jiraan khasaaro ka dhashay Duqeyntaasi.

Boqolaal Askari oo ka mid ah kuwa tababarka ka qaatay Saraakiisha Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa banaanka u soo baxay, waxaana halkaasi ay ka bilaaben howlgallo baaritaano.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Weerarkan lagu qaaday Xerada tababarka Imaaraadka Carabta ee Magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response