Weerar khasaaro geystay oo lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka UK +SAWIRO

by Farah C/laahi | Wednesday, Mar 22, 2017 | 9 views

London (Garsoor Online)—Ugu yaraan hal ruux oo lagu sheegay haweeney ayaa dhimatay, tiro kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Nin ku hubeysnaa mindi uu weerar ku qaaday Xarunta Baarlamaanka Dalka Britain.

Weerarkan ayaa waxuu ka dhacay banaanka Xarunta Baarlamaanka, gaar ahaan Buundada Westminster ee Magaalada London.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska ayaa waxuu sheegay in kaligii duulka hubeysnaa uu mindi ku dilay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska oo ku sugnaa nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay in Booliska ay toogasho ku dileen ninkii ka dambeeyay weerarkaasi qorsheysnaa oo ka dhacay Magaalada London ee Caasimada Dalka Britain.

Hogaamiyaha Aqalka Baarlamaanka Dalka Britain, David Lidington ayaa waxuu shaaca ka qaaday in weerarka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo uusan cayimin.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Hogaamiye David Lidington waxuu tilmaamay in dad badan ay jiifeen dhulka, qaarkoodna ay aad u dhiig baxayeen, kuwa kalena ay ku miyir beeleen argagax ay ka qaadeen Weerarkaasi.

Goobjooge ayaa waxuu xusay in uu arkay Gaari u dhaqaaqayay Koonfur iyo Waqooy, islamarkaana lagu jiiray qaar ka mid ah Dadkii marayay hareeraha Buundada Westminster ee Magaalada London.

Waxaa uu qeexay in halkaasi ay ku dhaawacmeen 5 Ruux, halka tirada dhaawacantay haatan lagu qiyaasayo ilaa iyo 12 Ruux.

Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan xoogan oo ku aadan hadii weerarka uu la xiriiro mid argagixiso.

Jahwareer xoogan ayaa ka taagan Magaalada London gaar ahaan Xarunta Baarlamaanka Dalkaasi kadib Weerarkaasi.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Weerarkan mindida loo adeegsaday oo ka dhacay Magaalada London ee Xarunta Dalka Britain.

Like it? Share it!

Leave A Response