Weerar Gaadiid Looga Gubay Kenya oo ka dhacay Gedo

Weerar Gaadiid Looga Gubay Kenya oo ka dhacay Gedo

0
SHARE

CEELWAAQ (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday kolonyo ciidamo Kenya ah oo marayay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garsoor Online in weerarku uu ka dhacay  inta u dhaxeysa deegaanka Buusaar iyo degmada Ceelwaaq, isla markaana dagaalku uu ahaa mid aad u xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday kolonyada Kenya uu ka dhashay qasaaro, balse aan si madax banaan loo xaqiijin Karin.

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay fuliyeen weerarkaasi, waxana ay sheegteen in ay ku gubeen gaadiid ay wateen ciidanka Kenya, sidoo kalana dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay Askar aysan tiradooda sheegin.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Kenya oo ku aadan weerarka lagu qaaday gaadiidkooda, hase ahaatee Al Shabaab ayaa si joogta ah u weerarta Ciidanka Kenya ee ku sugan gobolada Jubooyinka.

Garsoor Online — CEELWAAQ

LEAVE A REPLY