Weerar Culus oo lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Baardheere

by Farah C/laahi | Thursday, Mar 9, 2017 | 63 views

Baardheere (Garsoor Online) — Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Garoonkan ayaa fariisimo Ciidan waxaa ku leh Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xoogaga Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Weerar ay u adeegsadeen hubka garbaha laga tuuro.

Dhinaca kale, Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxey sheegeen in Weerarkaasi uu ahaa mid gaadmo ah balse la iska caabiyay.

Waxaa sidoo kale ay xuseen in aysan jirin wax khasaaro ah oo Weerarkaasi ka soo gaaray Xoogaga Itoobiya ee ku sugan Garooonka Diyaaradaha ee Magaalada Baardheere.

Xaalada ayaa deggan, inkastoo mar waliba la filin karo in Al Shabaab ay weerar kan la mid ah ku qaadaan Garoonkan oo saldhig Ciidan ay ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response