Weerar Askar lagu Dilay oo Ka Dhacay gobolka Bakool

Weerar Askar lagu Dilay oo Ka Dhacay gobolka Bakool

0
SHARE

XUDUR (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Weerar  Askar lagu dilay uu ka dhacay nawaaxiga degmada Xudur ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garsoor Online in weerarka uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Maarey oo ah deegaan isku xira degmooyinka Xudug iyo Ceelbarde.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo jidgal ahaa lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada, waxana la sheegayaa in uu jiro qasaaro soo gaaray askartii gaarigaas la socotay.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi waxana ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsadeen Gaari Runeyd ah oo waday Qaad oo ay la socdeen Askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Al Shabaab ayaa sheegay in ay ku dileen qaraxaasi labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowlad, hubna ay ka qaateen, isla markaana ay gubeen gaari ay wateen sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ka dhacay gobolka Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xarakada AL Shabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo ka fuliya deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Garsoor Online — XUDUR

LEAVE A REPLY