Wax Ka Baro Taariikhda Gudoomiyaha Aqalka Sare

Wax Ka Baro Taariikhda Gudoomiyaha Aqalka Sare

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Senator Cabdixaashi Cabdulaahi ayaa noqday Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya.

Cabdixaashi Cabdulaahi waxaa lagu tilmaamaa dadka fara ku tiriska ah ee ay ku danbeyso wadaniyada.

Hadaba Maxaan waxbadan ka Ogow Taariikhda Senator Cabdixaashi Cabdulaahi:

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi

Waxaa uu ku dhashay Baabiley , Itoobiya sanadkii 1946-dii

Waxbarasho:

1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar

1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho

1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho

1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho

Shaqo:

1972-1974: Macalin Ceel Jaalle

1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho.

1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS

1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa.

1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka

1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada ama Theater-ka

1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.

1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action.

1997-2004: Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda.

2004-2009: Xubin Baanrlamaan.

2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka.

2008-2009: Wasiirka Caafimaadka

2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka.

Garsoor Online — MUQDISHO

LEAVE A REPLY