Wasiirka Warfaafin Eng Yariisoow oo Xil Cusub looga dhiibay Facebook

Wasiirka Warfaafin Eng Yariisoow oo Xil Cusub looga dhiibay Facebook

0
SHARE

Marka laga soo tago, inta gef dhigaal ku jirta farbarashadan, oo ah mid wasiir aan lagu noqon karin, ku ma sii jirto wasiirka WARFAAFINTEE, haddana, waxaa ka sii daran, dhambaalka uu xambaarsan yahay!

Haddii wasiirkii warfaafintu uusan ka la garanayn tilmaambixinta habboon iyo midda lagu hodmayo, afhayeennada ALSHBABAAB, ee qaraxa sheegan doona, maxay ku tilmaam bixin doonaan? Warkiiba hortood ayaa la faafiyey!

Micnaha, wasiirku ma wuxuu qabanayaa, WALAAC faafin iyo WISWIS abuur, mise, WARFAAFIN iyo WALBAHAAR yarayn?

Haddii wasiir walbaa, si gaara wasiirka warfaafintu, uu sidan oo kale uga faalloodo qarax iyo wax walba oo dhaca, run ahaan ALSHABAAB u ma baahna AFHAYEENNO! Waaba joogaane ha ku shaqaystaan!

Bal qoodhiin iyo xeradiin, murtida, aragtida iyo garashada ku jirta falaadkan maxay tahay?

U fiirso inta qodob ee uu isu keenay wasiirka WALAAC faafintu;

– qarax ayaa dhacay.
– wuxuu ka dhacay meel hebel.
– waliba meel hebel wax laga cuno.
– waliba meel hebesha ka soo horjeedda, meel hebel.
– waliba meel hebasha ka soo horjeedda, meel caadi ah ma ahane waa WASAARAD!
– qaraxa dhacay, waa qarax XOOGGAN!
– qaraxa GAARI ayaa loo adeegsaday!

Saddaxdan sadar, ee uu xarriiqay wasiirka WALAAC faafintu, waxaa ku jirta, intan oo qodob, haddana, waxaa lagu wada mashquulay sida caadada noo eheed, hebel, oo MW ay wadaay yihiin, aadna isugu shushubtaan, ayaa wasiirka si bareer ah bulshada dhexdeeda ugu warceliyey, oo ah fal laga qurxuunaa!

In kasta oo aysan fal qumman ahayn, barabulsho ka dhex yooyootanku, haddana, ayamaa idin la foolxun; ma falcelinta, mise falaadka wasiirka WALAAC faafinta?

U fiirso wasiirka WALAAC faafintu faygaarkiisa ku ma darin;

– in uu ka xun yahay qaraxa dhacay. (Inta ku geeriyootay Eebbe ha u raxmado, inta dhawaacanna dhaymo dhaw ha ugu deeqo.)
– in uu ka walwalsan yahay qasaaraha ka dhalan kara.
– in ay dawladdu la jirto lana joogto dadka waayeello ka gaarto dhibaatada sharwadayaasha. Maaweelo.
– in uu noo sheego tallaabada xukuumaddu wax uga qabanayso sugidda ammaanka. Afgobaadsi!
– in ay gacanbir ah ku qaban doonaan sharwadayaasha! Gooddis!
– in qofkii lagu helo taageerada sharwadayaasha ciqaab adag la marsiin doono! Cagajugleyn!
– IWM.

Xukuumaddan waxaa ku jira, xubno ka la garan la’, in ay wariyayaal, afhayeenno ama wasiirro yihiin? MAGAG!

Waryaada, wasiirrada war badan ayaa idiin kugu laaban!

Waa la MURRUGAY!

Bashiir Maxamed Xersi

LEAVE A REPLY