Wasiirka Amniga Somalia oo Amaro Yaab Leh Soo Saaray Goor Dhaw

Wasiirka Amniga Somalia oo Amaro Yaab Leh Soo Saaray Goor Dhaw

0
SHARE

Wasiirka Cusub ee amniga ayaa amar ku bixiyay in dhagaxaanta laga qaado wadooyinka muhiimka aanan aheyn ee lagu jaray dhagaxaanta waa weyn ee ku yaalla Muqdisho.

Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in ay muhiim tahay in aan la dhibaateyn Bulshada Soomaaliyeed loona baahan yahay in si deg deg ah loo furo Wadooyika aan muhiimka aheyn ee xiran.

Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa waxaa ku go’an dhagaxaan waa weyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer Amar ku bixisay in la furo Wadooyinka inkastoo aysan dhaqan gelin.

LEAVE A REPLY