Warshad Lagu Sameeyo Doolarka Been Abuurka ah oo Xalay La Xiray, Muqdisho

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 17, 2017 | 80 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Ciidamada NISA ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay weerar ku qaaday Guri ku yaala degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Waxaa la sheegay in guriga weerarka lagu qaaday lagu farsameyn jiray Lacagaha doolarka Been abuurka ah, waxana la sheegay iska hor imaad qasaaro geystay uu ka dhacay halkaasi intii uu socday howlgalka.

Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay Garsoor Online in iska hor imaadka uu dhintay hal askari mid kalana uu ku dhaawacmay.

Taliska NISA ayaa war aya soo saareen ku sheegay in howlgalka ay ka sameeyeen Waabari ay ku soo qabteen qalab lagu farsameeyo lacagaha been abuurka ah ee doolarka iyo lix ruux oo ku lug lahaa falkaasi.

NISA ayaa xaqiijisay in askari uu ku dhintay howlgalkaasi halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Hadaba qof Goobjooga ah ayaa u waramay Garsoor Online:

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response