Warqad Furan oo Loo Dirayo Ra’iisul-wasaaraha Somalia

Warqad Furan oo Loo Dirayo Ra’iisul-wasaaraha Somalia

0
SHARE

Mudane Ra’iisul-wasaare magacaabista xilalka gaar ahaan ilaha dhaqaalaha waa kuwo in laga fiirsado mudan, tusaale ahaan dekedda, ma rabo inaan ka hadlo mas’uulka hadda aad madaxda uga dhigtay oo laftiisa la dhaliilayo.

Mudane waxaa jira shaqsiyaad doonaya inay noqdaan ku xigeenka maareeyaha dekedda oo horey boob uga geystay dalka qaarkoodna lagu tuhmayo dhulkii Fagaaraha Tarabuunka oo dalku uusan maanta lahayn meel shacabka dareenkooda ku muujiyaan.

Mudane ra’iisul-wasaare qalinkaagu yuusan noqon mid aqbala oo soo dhaweysta dadka bulshada dhagarta la dhex fadhiya ee damacoodu yahay boob hanti dadweyne iyo jeeb buuxsi horeyna u buuxsaday welina u ciil qaba.

Uma maleynayo inaad hareer mari doonto talooyinka kaaga imaanaya shacabkaaga ku jecel waxaanse kaa rajeynayaa inaad shaqsiyaadkaas ku caan baxay ku daneysiga shaatiga dowladnimo aad xididdada u siibto una xulato qofka mudan ee aan ka daneysan shacabka taabaaleysan.

LEAVE A REPLY