Wareysi: Xil Jeesoow Farmaajo ayaa Keenay Qaraxyada Muqdisho Ka Dhacaya

Wareysi: Xil Jeesoow Farmaajo ayaa Keenay Qaraxyada Muqdisho Ka Dhacaya

0
SHARE

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Siyaabo kala duwan uga hadlay Weeraradii xoogganaa ee Maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaasi waxaa ka mid ah Daahir Aamin Jeesow, waxaana uu sheegay in Weerarada Magaalada Muqdisho in ay xoojisay dagaalkii uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in aheyd wax laga xumaado in Madaxweynaha Soomaaliya uu dagaal ku dhawaaqo iyadoo aysan diyaarsaneyn Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mudane Jeesow ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeyaan Hay’addaha Amniga.

Waxaa uu xusay in Madaxda dalka laga doonaayo in ay ka yimaadaan waxqabad dhab ah si looga hortaggo Qaraxyadda.

Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacayay Qaraxyo ay ku dhinteen dad badan.

LEAVE A REPLY