Wareysi: Waa Sidee Xaalka Dadkii Laga Celiyay USA

by Farah C/laahi | Friday, Jan 27, 2017 | 29 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Ku dhawaad 90 ruux oo laga soo celiyay dalka Maraykanka ayaa laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, labo maalin ka hor.

Dadkan ayaa u badan dhalin yaro ku xirnaa Xabsiyo ku yaal dalka Marykanka, waxana Maxkamad ay ku xukuntay in dalkooda dib loogu celiyo.

Dhalin yaradan ayaa lagu arkyaa Wadadda Mashquulka badan ee Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho, iyagoo koox koox u socda.

Waxa ay sheegayaan in ay ku farasan yihiin in dalkoodii hooyo loo soo celiyo , hase ahaatee aysan wanaagsaneyn in dal dhibaato ka jirto ay Maraykanku keenaan.

DHAGEYSO Qaar kamid ah dhalin yaradii laga soo celiyay Maraykanka oo la wareystay:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response