Wareysi: Nin Kufsaday Gar 10 jir ah oo La Daayay Garoowe

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 24, 2017 | 30 views

GAROOWE (Garsoor Online) — Hooyo Anisa Cabdi Raxmaan Faarax  oo ah hooyo dhashay Gabar yar oo 10 sano jir aheyd oo lagu kufsaday xaafada Hodon ee Magaalada Garoowe kaddibna la dilay ayaa sheegtay in cadaalad daro lagula dhaqmay.

Waxa ay sheegtay in saldhiga Booliska ay u gudbisay dacwda falka loo geystay gabadheeda, waxana ay tilmaamtay in la soo xiray ninkii falkaa geystay.

Laakiin Hooyo Anisa ayaa tilmaamtay in qaab cadaalad daro ah lagu sii daayay ninkii falkaas ku kacay.

Waxa ay ugu baaqday Madaxda iyo caalamka in wax laga qabto cadaalad darada lagu sameeyay iyada iyo gabdheeda.

Dhageyso hooyo Aniso oo arintaasi ka hadleysa: 

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response