Wareysi: Maxaa Ka Jira in Puntland ay Ka Danbeyso Xiisada ka jirta Galmudug

by Farah C/laahi | Wednesday, Jan 18, 2017 | 91 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Warar soo baxay saacadihii la soo dhafay ayaa sheegayay in Xildhibaanada ka soo horjeeda Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed ay taageero ka helyaan Maamulka Puntland oo aad u diidan jiritaanka Galmudug.

Qaar kamid ah waxgaradka Hawiye ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in uu ka danbeeyay qaska siyaasadeed ee ka jira Galmudug.

Hase ahaatee, Boqor Nuur Boqor Maxamud Boqor Faarax ayaa ka soo horjeestay eedeenta loo jeediyay Gaas.

Boqorka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Guuleed uu ku fashilmay Hogaaminta Maamulkasi, taasina ay keentay siyasada xun ee ka jirta Galmudug.

Dhageyso Wareysi Boqor Nuur Boqor Maxamuud:

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response