WAREYSI: Itoobiya oo Dad Rayid ah ku Laysay gobolada Hirshabeelle

by Farah C/laahi | Sunday, May 14, 2017 | 24 views

BALADWEYNE (Garsoor Online) — Ciidamada Itoobiyaan ah oo ka yimid dalka Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in dad rayid ahaa ay ku digeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Guure oo ah xubin ka tirsan Golaha deegaanka Gobolada Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay in dhawr deegaan ay Ciidanka Itoobiya ku dileen in kabdan 10 ruux.

Waxa uu sheegay in deegaanada Burdaad, Garasyaani, Halgan oo dhamaantood ka tirsan gobolka Hiiraan ay ku dileen dad rayid ahaa oo u badnaa reer miyi, kuwaasi oo ay ku jiraan wiil iyo Aabihii.

Waxa uu fariin u diray Gudoomiyaha Gobolada Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Madaxda ciidanka AMISOM, waxana uu ka dalbaday in ay wax ka qabtaan tacadiyada ay ciidanka Itoobiya ka geysanayaan gobolka Hiiraan.

DHAGEYSO Wareysi lala yeeshay Cabdiraxmaan Maxamed Guure oo ah xubin ka tirsan Golaha deegaanka gobolada Hirshabeelle.

Garsoor Online – Baladweyne

Like it? Share it!

Leave A Response