WAREYSI: Faah Faahin Dheeri ah oo Laga Helayo Dad Shacab ah oo Lagu Laayay gobolka Sh/hoose

by Farah C/laahi | Friday, Apr 7, 2017 | 47 views

SHALAANBOOD (Garsoor Online) — Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu soo waramayaa in lagu beegsaday Gaari ay la socdeen Dad Shacab ah oo marayay Degaanka Goolweyn oo u dhaxeeya Degmada Kunturwaareey iyo Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh.Hoose.

Gaarigan uu Qaraxa ku haleelay Degaanka Goolweyn ayaa sida la sheegay waxuu ka soo ambabaxay Degaanka Buulo-mareer, islamarkaana uu ku sii jeeday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood, Nuur Cismaan Raage oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen in ka badan 10 Ruux, waxuuna intaasi ku daray in Gaariga ay la socdeen ilaa iyo 18 Ruux oo rakaab ah.

DHAGEYSO Wareysi Ku Saabsan Dhacdadaan:

Like it? Share it!

Leave A Response