Wareysi: Dad Lagu Dilay Kaxda iyo Taliye La Xiray

by Farah C/laahi | Saturday, Feb 4, 2017 | 9 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Inta la xaqiijiyay 1 ruux ayaa dhintay 2 kalana waa ay dhaawacmeen rasaas ay askar ciidanka Booliska degmada Kaxda ay ku fureen dad ku sugnaa degmadaasi.

Nabadoon Muxumud Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in taliyaha ciidanka Booliska Kaxda Bashiir Cali Afaraad iyo ciidamo uu hogaaminayo ay si arxan daro ah u laayeen dadka.

Wararka ayaa sheegaya in Bashiir Cali Afaraad uu hada ku xiran yahay Xarunta CID-da Muqdisho waxana loo heystaan dhacdadii ka dhacday degmada Kaxada ee gobolka Banaadir.

Dhageyso Wareysi

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response