Wareysi: Ciidan Ajnabi ah oo Xad Gudub ka Geystay Basra

by Farah C/laahi | Friday, Feb 3, 2017 | 24 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Ciidamada Kumaandoosta dowladda Soomaaliya ee fariisinka ku leh Balidoogle iyo kuwa Cadaan ah ayaa weerar ku qaaday deegaanka Basra oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garsoor Online in ciidamadu ay xad gudubyo ka geysteen deegaanka, isla markaana culumo iyo dadka deegaanka oo halkaa ku sugnaa ay hanti ka qaateen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadu bartilmaameedkoodu ahaa baadi goobka rag ka tirsan Al Shabaab oo ay ku tuhmeen in ay ku sugan yihiin Basro, hase ahaatee ay taa badalkeeda falal xad gudub ah ka geysteen halkaa.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo Taleefanka ugu waramay Garsoor Online ayaa sheegay in ciidamadu ay dhac iyo xad gudub kale ka geysteen tuulada Basra ee gobolka Sh/hoose.

Waxa uu intaa ku daray in aysan jirin cid mas’uuliyiinta gobolka ka tirsan oo arinta ay sameeyeen Ciidamad uga garaabtay, laakiin taa badalkeeda ay la kulmeen in ay waayeen cid caditoodii uga soo qaada.

Dhageyso Wareysiga

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response