Wareysi: Ahlu Sunna oo Sharuuda Adag ku Xirtay Wadahadalka Galmudug – Dhageyso Sharuudaha

by Farah C/laahi | Thursday, Apr 13, 2017 | 48 views

Xildhibaan Bile Salaad Diini oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Maamulka Ahlusunna Waljamaaca uu shuruud uga dhigay Wadahadalka ay la galayaan Galmudug Lacag fara badan oo ay sheegeen in ay uga baxday Dagaalkooda ka dhanka ahaa Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Bile Salaad Diini in Ahlusunna Waljamaaca sheegeen in lacag dhan 5 Million  Dollar ay ku qarash gareeyeen Dagaalkii Gobolka Galgaduud ay kula galeen Al Shabaab taas oo ay uga fadhiyaan Dowladda  Federaalka Soomaaliya inta aanu wadahadalka u dhexeeya iyaga iyo Galmudug furmin.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa Dhexdhexaadineysa Maamullada Ahlusunna Waljamaaca iyo Galmudug , kuwaas oo lagu wado in uu uga furmo Wadahadalkooda  Magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response