Warbixin: Waa Wareeraye Meeqa Gen. Gabre ayaa Jirta

Warbixin: Waa Wareeraye Meeqa Gen. Gabre ayaa Jirta

0
SHARE

Prof. Yahya Amir (Garsoor Online) — Qoraalkii (Anigu waa wareeraye meeqa Gen. Gabre ayaa jirta) sida aan u qoray qaybta) ( A ) waa hal abuur, laakin qaybta ( B) tix raac ayeey leedahay.sawirada aan qaatay hore ayaa mediyaha loogu daabacay, ma ahan in dadka la sawiran ay wada yihiin Gabre saaxibadii, asaga ayaa meel kasta dalaq yiraa oo labadii meel taaganba la jooga, Ha u gafin dadka la sawiran adiga oo aan hubsan waxa isku keenay.

Tan kale in Gabre saaxiibo leeyahay waxaad ka arki kartaa commentiga waa qoraalkii ugu badnaa ee la igu aflagaadeeyo “ taa xumaan uma arko” . waxaa jira kuwa badan oo Gabre isku si aan u wada aragno cadaw.

Dadka qaar ayaaba dhibsaday in magaciisa la soo qaado ayaga oo u arka in uu yahay nin aan qiima la heeyn.laakin ogow gabre waa nin weyn oo wadani ah haddii lagu fiiriyo indhaha ethopia ,laakin indhaha somalida qaar ay u arkaan nin dambiile ah oo dad badan agoonteeyay qaarna barakiciyay.

Dalka iyo dadku waa xur mana aaminsana in ciddi gumeeysan karto ,laakin maamulada jira madaxdooda ayaa wax si ka yihiin.

Waa run in aan dhow jeer iskula dhacnay Ethiopia,Kenya iyo Somalia aniga oo jooga ,weliba dad Somali ahi oo markaa nala joogay ay iiga hiiliyeen, qaarna igu cabsiiyeen waxa uu igu sameeyn karo meel kasta oo aan joogo. Taasi cabsi iguma heeyso,sanadkii hore laba jeer ayaa Ethiopia la iga martiqaaday,shir dhaqaalaha looga hadlayay mana aadin, haddana mar kale ayaa la igu casuumay, 5th Africa Business Forum – 01 March 2017, (Sheraton Hotel, Addis Ababa, Ethiopia).

Somaalidu dhaqan ahaan Tub iyo ceel ayaan leenahay ayeey ku faanaan baadiyaha , anna waa in aan ku faanaa Calan iyo Calaamad ayaan leeyahay aduunkuna igu yaqaan.

Ha cabsan dadkana ha cabsiin, ma maqashay “ malakul mood mudoow qabsoon, kumana mooga maandheheey”

F:G Wixii aad iga sheegtana Aakhira iyo Aduunba waa kuu cafis. Aragtidaadana xor ayaad u tahay qoraalkanna waad dhaliili kartaa.

Qore: Prof. Yahya Amir.

LEAVE A REPLY