Warbixin: Musharaxiin Loo Diidi Doono Tartanka MD

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 24, 2017 | 31 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Warar hoose oo ay heleyso Garsoor Online ayaa muujinaya in uu soco qorshe lagu doonayo in tartanka Madaxtinimada looga saaro xubnaha ka tirsan labada gole ee hada musharaxiinta ah.

Xubno ka tirsan Barlamaanka oo diiday in magacooda iyo codkooda loo adeegsado warbaahinta ayaa sheegay in uu socdo qorshahaasi oo gadaal ka riixayaan musharaxiin kale oo aan ka mid aheyn barlamaanka.

Waxaa la sheegayaa in arrintan oo aheyd markii hore mid qarsoon ay hada soo shaac baxday, isla markaana la filayo in Kulan ay u dhan yihiin labada gole la hordhigo oo ay cod u qaadaan.

Laakiin, lama oga in qorshahan uu ku eg yahay oo kali ah xildhibaanada Aqalka sare, madaama gudoomiyihii hore ee Golaha Aqalka Sare uu dhawaan ku baaqay in xubnaha kamidka ah aqalka sare ee xilka Madaxweyne doonaya ay tanaasulaan.

Lama oga sida uu u aqbli doono gudoonka Barlamaanka, hase ahaatee guuxii maanta ee barlamaanka ayaa waxaa laga dareemayay in uu socdo qorshahaasi.

Dadka uu saameyn doono go’aanka waxaa kamid ah Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdiraxmaan Faroole oo labaduba ah Senatoro ka yimaada Puntland.

Sadaxdii maalin ee la soo dhaafay waxaa baaqanayay shir saxaafadeed uu doonayay Ra’iisul wasaare Cumar in uu qabto ugana hadlo arrintan.

Warar aan rasmi aheyn ayaa sheegaya in qorshahan uu ka imaanayo Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo u arka Cumar Cabdirashiid in uu yahay midka kali ah ee tartan la gali kara isaga.

Marka aad fiiriso sida uu wax u wado barlamaanka cusub, waa suuragal in ay barlamaanku uu codgaliyo arinta, inkasoo aan la ogeyn in ay saameyneyso Golaha Shacabka xubnaha ka tirsan ee Musharaxiinta ah.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response