Wararkii ugu danbeeyay ee Xilwareejinta Maamulka Gobolka Banaadir

by Farah C/laahi | Saturday, Apr 15, 2017 | 73 views

Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta kormeeray xafiisyadda ay ku shaqeyso dowladda Hoose ee Xamar.

Gudoomiyaha oo ay wehlinaayeen Gudoomiyihii Hore gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa mid mid u dul istaagay Xafiisyadda dowladda Hoose ee Visha Geverno.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa hadda booqanaya qaar ka mid ah Saldhigyadda iyo sidoo kale xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha cusub ayaa lagu waddaa in uu Caawa xilka la wareego.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu soo bandhigi doono qorshaha Caasimadda.

Like it? Share it!

Leave A Response