Wararkii ugu Danbeeyay ee Dagaalka Ka Socdo Mudug

Wararkii ugu Danbeeyay ee Dagaalka Ka Socdo Mudug

0
SHARE

GAALKACYO (Garsoor Online) — Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay dul hee-haabayaan Magaalada Xarar-dheere ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garsoor Online in diyaaradahaasi ay Magaalada ku daadiyeen warqado digniin ah oo ay u dirayaan shacabka ku dhaqan Magaalada.

Warqadaha ay diyaaraduhu daadinayaan ayaa waxaa ku qoran in dadku ay ka fogaadaan goobaha ay saladhigyada ku lee yihiin Al Shabaab.

Sidoo kale deegaanada ku dhaw-dhaw Xarar-dheere ayaa lagu arkayaa diyaarado joog hoose ku duulaya kuwaasi oo u muuqda in ay sahminayaan cududa Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsi ku aadan in dagaal uu dhaco waxana ay dadku ay bilaabeen in ka guuraan guryahooda.

Al Shabaab ayaa sidoo kale wada dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay kawadaan Xarar-dheere iyo tuulooyinka ku xeeran.

Shalay ayaa dagaal u dhexeeyay Ciidamada huwanta ah ee ku sugan nawaaxiga deegaanka Camaara iyo Al Shabaab waxa uu ka dhacay halkaasi waxana dagaalkaasi lagu jabiyay ciidamdii huwanta ahaa.

DHAGEYSO Mid kamid ah dadka deegaanka oo ka hadlaya Xaalada:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY