Wararkii ugu Danbeeyay ee Doorashada Somalia

by Farah C/laahi | Wednesday, Feb 8, 2017 | 67 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — 1-#Cosoble ayaa ka saro maray darajadii laga filayay markii uu xalay goor dambe lacago fiican dhiibay.

2-Rajada #Farmaajo ayaa aad u korartay xalay waxaana la sheegaya in wareega hore uu heli karo 70-ilaa 80 cod.

3-18-kii xildhibaan ee #Fowsiyo_Shiiq hogaamineysay 5 waxey ku biireen Xasan Shiiq, 4 Shariif Axmed , halka 9 xildhibaan oo ay iyadu ku jirto ay xalay jiifteen Hotel Jaziira kadib markii ay Farmaajo la heshiiyeen.

4-#Xasan_Shiikh ayaan xalay bixin lacago badan waxaana uu badi dadka kusoo jiidanayay yabooh siyaasadeed ama xilal muhiim ah.

5-Qab qablayaashii Xisbiga #Daljir ayaa xalay qaarkood toos ugu biireen garabka Farmaajo ,waxaa loo badinaya in halkaas uu ugu yaraan 18 cod ka helo madaama Daljir oo 38 xildhibaan laheyd ay labo u kala jabtay.

6-Dhaq dhaqaaqa #Jabriil xalay aad uma xooganeyn .

7-Xildhibaanada Itoobiya ay naas nuujiso ayaa xalay looga yeeray safaarada Ethopia ee madaxtooyada ku dhex taala waxaana joogay #Gabra iyo saraakiil Nabadsugid ah waxaana loo sheegayay sida ay tahay iney maanta u shaqeeyaan.

8-#Cumar_Cabdirashiid wuxuu noqday mid miisaankiisu culus yahay , 30 xildhibaan ayaa la sheegay iney xalay lacag ka qaateen.

9-Hotel, Jaziira, Hotel SYL, Safaarada Ethopia iyo Safaarada Emirate-ka ayaa ahaa 4-tii goob ee xalay ay ka socdeen ololaha ugu xoogan.

10-Xildhibaanada Jubbaland ayaa lacagaha ugu badan ku gor gortamayay xalay madaama #Axmed_Madoobe uu xor uga dhigay cida ay dooranayaan.

11-Gudiga doorashada ayaa qaadacay in gudaha hoolka doorashada lala galo wax kasta oo wax lagu kala iibsan karo ,waxaa la mamuucay lacag, Cheque Bank iyo dhamaan waxyaabaha keeni kata musuq maasuq.

Abdullahi Osman Farah

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response