War Deg Deg ah: Taliyaha Cusub ee Xoga oo Qarax Ka Badbaaday

by Farah C/laahi | Sunday, Apr 9, 2017 | 51 views

Qarax qasaaro geystay ayaa goor dhaw ka dhawacay Nawaaxiga Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u xaqiijiyay Radio Shabelle in qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarax laga soo buuxiyay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala damacsanaa kololyo uu la socday Taliyaha cusub ee Ciidanka Xooga Dalka, oo ka qeybgalayay xaflad xil wareejin ah oo ka dhaceysay Wasaarada Gaashaandhiga.

Goobjooyaal ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay qasaaro badan, isla markaana ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah oo la socday Gaadiid marayay wadada.

WIXII KUSOO KORDHA HALKAN KALA SOCO

Like it? Share it!

Leave A Response