War DEG DEG AH: Gadiidka AMISOM oo Goordhaw Dil Ka Geystay Muqdisho

by Farah C/laahi | Sunday, Apr 9, 2017 | 27 views

Gaari Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay leeyihiin ayaa caawa waxa uu Isgoyska Sance ee Degmada Yaaqshiid ku jiiray Wiil Dhalinyaro ah, kaasi oo xilligaasi waday Mooto-bajaaj.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Wiilka uu Gaariga jiiray in uu ku socday seedkiisa balse Ciidanka AMISOM ay si qaldan u jiireen, isla goobtana uu ku geeryooday.

Gaarigii AMISOM ee jiiray wiilkaasi ayaa waxa uu isku dayay in uu baxsado, balse Ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya oo ku baxay Gaarigaasi ayaa ugu dambeyn waxa ay ku qabteen Isgoyska Siinaay ee Degmada Yaaqshiid.

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Gaarigii jiiray wiilkaasi waxa ay ula dhaqaaqeen xarumaha baarista Ciidanka Dowladda Federaalka, si loola xisaabtamo.

Shacabka ku dhaqan Degmada Yaaqshiid ayaa falkan waxa ay ku tilmaameen mid arxan daro ah, oo naxdin iyo qaraqan ku reebay, waxayna sheegeen in aysan u dulqaadan doonin dhibaatada Ciidanka AMISOM ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response