War Deg Deg ah: Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

War Deg Deg ah: Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Suuqa Bakaaraha gaar ahaan suuqa sarif yaraha ayaa goor dhow waxaa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay Risaala u sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Askarigan, iyaga oo Rasaas huwiyay qeybta sare ee jirkiisa, sidaasina uu ku geeryooday.

Dabelydii dilka geysatay oo goobta ka baxsatay ayaa horey waxa ay u sii qaateen Qorigii uu watay Askariga, sida uu Risaala u sheegay mid ka mid ah Ganacsatada suuqa ku Ganacsada.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday Meydka Askarigan, Howlgallo ayay sidoo kale wadaan.

Shalay galab isgoyska Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa koox hubeysan ay ku dileen Askari ka tirsan Millitariga Soomaaliya, waxayna horey u qaateen Qorigii uu watay.

LEAVE A REPLY