Waa sidee Maanta Qiimaha Kunka Shilin Somaliga?

by Farah C/laahi | Saturday, Feb 11, 2017 | 31 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Sida ay sheegayaan  Wararka naga soo gaaraya Qaar ka mid ah Suuqyada Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha waxaa  maanta sare u kac laga dareemaaya Qiimaha Sarifka lacagta Dollar oo shalay Hoos u dhac balaaran uu ku yimid.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Sarifka Suuq weyn ee Bakaaraha ayaa Risaala u sheegay in maanta 100 kii doollar lagu kala Sarifanayo labo Milyan iyo boqol.

Sidoo kale Suuqa degmada Afgooye ayaa la soo sheegaya in wali hoos dhac balaaran uu ka jiro Sarifka lacagta Dollarka , islamarkana meelaha Qaarkood lagu kala Sarifanayo halkii dollar 18 kun oo shilin Soomaali ah.

Ka dib markii Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaa is bedel uu ku dhacay suuqa sarifka ee Soomaaliya.

Qiimaha dollarka ayaa hoos u dhacay, waxaana sare u kacay qiimaha shilinka Soomaaliga.

XIGASHO: Radio Risaala

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response