Waa Qiso Xanuun Badan Oo Ku Dhacday Fannaan Caan Ah, Xalay Ayuuna...

Waa Qiso Xanuun Badan Oo Ku Dhacday Fannaan Caan Ah, Xalay Ayuuna Iiga Sheekeeyey

0
SHARE

Bashiir Maxmud (Garsoor Online) —  Ma rabo inaan sii qariyo nolosha xanuunka badan ee I soo martay, muddo dheer ayaan ku hayey laabteyda oo aan qarsanayey laakiin maanta waxaan go’aansaday inaan idinla wadaago noloshii quruxda badaneyd ee aan haystay kadibse isku bedeshay murugo iyo mugdi aan illaa hadda ka soo kaban la’ahay.

Waxaan ahay aabbe Soomaaliyeed oo ku noolaa dalka Norway mudo sanado ah. waxaa nolosheyda la deris ahaa xaas aan aad u jeclaa iyo saddex carruur ah oo aan adduunka ka eegto aadna ii farxadgeliya.

Waxaan ahaa nin shaqo badan oo jecel inuu ka gudbo noloshii dhibka badneyd ee aan ku soo koray waxaana jeclaa in ilmahayga iyo xaaskeyga qaaliga ah ay ku noolaadaan nolol midda ugu wanaagsan oo aysan marnaba dareemin faqrigii iyo gaajadii aniga la igu soo koriyey, shaqada aan markaas gacanta ku hayey waxay ahayd mid adag laakiin waxaa ii muuqatay in qoyskeygu ay aniga igu nasanayeen sidaas daraadeedna ma dareemi jirin culeyska shaqada waxaase igu weynaa inaan mustaqbal ku dhisan farxad iyo wanaag u abuuro qoyskeyga.

Maalin anigoo ka imid shaqada ayaan u yeeray xaaskeyga aan aadka u jeclaa waxaan wada fariisanay meel aad u qabow oo sheekada ku fiican, xaaskeygu waxay dareentay inaan arrin kala hadli rabo waxayna aad u daneyneysay sheekadeyda iyo muuqaalkeyga maadaama aan ahaa nin shaqo badan oo inta uu joogo guriga ay aad u yar tahay.

Sheekadii ayaan u bilaabay xaaskeyga anigoo dhoola-caddeynaya ayaan ku iri” abaayo sida aad ogtahay waan shaqeeya cidda aan u shaqeeyana waa adiga iyo carruurteena sidii aan nolosha adag uga bixi lahayn oo aan mustaqbal ilmaheena ugu dhisi lahayn, marka waxaan jecleystay inaan kugu wareejiyo lacagtii aan shaqeynayey oo dhan anigoo aan waxba kaala harin si ilmaha aad ugu hayso sababtoo ah waxaa dhici karta aniga inaan si ku talagal la’aan ah u isticmaalo marka adiga noo haay lacagtana waa boqol toban iyo shan kun oo doolar.

Xaaskeyga waa iga ogolaatay inay lacagtii hayso anna sidaas ayaan u noqday nin aan waxba haysan oo wixii hadda ka dambeeya waa inaan shaqeeyaa si haddana aan u abuuro lacag kale, maalintii dambe anigoo shaqo ku jira ayaa xaaskeyga isoo wacday waxayna igu tiri degdeg iigu imaw. Waan u imid waxayna ii sheegtay inay iga rabto lacag konton kun oo doolar ah, waxaan u sheegay in lacagtii aan hayey oo dhan aan u dhiibay laakiin waxay ku adkeysatay inaan lacagtaas u keeno.

Waxaan u tagey ninka booskeyga ah ee aan u shaqeeyo waxaan ka codsay inuu lacagtaas I amaahiyo waana iga ogolaaday inkastuu 7 maalmood ii qabtay, xaaskeyga ayaan ugu hambalyeeyey inaan lacagta u keenayo 7 maalmood kadib laakiin waxay u muuqatay qof aan ku qanacsaneyn 7da maalmood.

Aniga mar kasta waxaa igu weynaa qoyskeyga iyo farxaddiisa mana dhici jirin inaan ka hagrado wixii aan hayo si kastaba ha ahaatee anigoo maalin shaqo ku jira ayaa boliiska isoo waceen waxayna igu wargeliyaan in ilmihii aan iskoolka laga soo doonin oo cid guriga geyneysa aysan u imaan waxayna igu yiraahdeen” ma noo sheegi kartaa sababta keentay in xaaskaaga aysan carruurta maanta iskuulka ka soo doonin waxaan u sheegay inaanan ogeyn waxa jira kadib boliiska, carruurteyda iyo aniga ayaa gurigii wada tagnay nasiib darro xaaskeyga guriga waa laga waayey waxaana boliisku sameeyeen baaritaan lagu ogaanayo halka ay ka baxday iyo sababta keentay in xaaskeyga la waayo, boliiska ayaa markii dambe ogaaday in xaaskeyga ay dalka si nabad ah uga baxday oo ay joogto dal ka mid ah dalalka midowga Yurub iyadoo wadata lacag badan.

Ma jirin wax xiriir ah oo ay ila soo sameysay waxaana dhexda u xirtay sidii aan u qaadi lahaa masuuliyadda carruurteyda hooyo la’aanta noqday, carruurteyda marnaba ma dareemin cidlo waxay ahaayeen kuwo ku raaxeysanaya nolosha waxaana noqonay qoys cusub oo isku faraxsan.

labo sano markii ay xaaskeyga maqan tahay ayaa carruurteydu iga codsadeen inaan fasax u aadno dalka Ingiriiska maadaama Iskuulka fasax u yahay anna jacaylka aan u qabo carruurteyda dartood waan ku raacay inaan u dalxiis tagno dalka Ingiriiska, xilli habeen ah ayaan u safarnay Ingiriiska markii aan gaarnay halkii aan rabnay waxaan ku degnay Hoteel.

Waxaa hadda ii billaabanaya cashirro wata mawjado xambaarsan dabeylo murugo leh waxaana dareenkeygu si xawli ah isku bedeley markii illinka hore ee Hoteelka ay iiga hor timid gabar taqaanay qoyskeyga salaan kadib waxay iigu hambalyeysay inaan ka soo qeybgalo arooska xaaskeyga iyadoo dhahaysa” waxaad tahay nin fiican sababtoo ah waxaad ka soo qeybgashay arooska xaaskaagii hore ee ka dhacaya berri Hoteelkan. Anigoo isxajinaya oo aan dareensiineyn jugta iyo naxdinta aan ka qaaday hadalkaas ayaan si dhoolla-caddeyn leh ku iri waa runtaa horeyna waa u sii dhaqaanay.

Carruurteyda iyo aniga waxaan fariisanay meel u dhaw halka laga soo galo Hoteelka wax yar markii aan fadhinay ayaa waxaa noo muuqday gabar iyo wiil aad u lebisan oo boorsooyin waawen jiidaya, carruurteydii ayaa hal mar kala cararay waxayna u carareen halkii ay ka soo socdeen wiilkii iyo gabadhii boorsooyinka watay iyagoo ku qeylinaya alla aabe waa hooyo, hooyo see tahay, hooyo aabe waa kaas ayay ku yiraahdeen.

Xaaskeygii iyo Ninkii la socday ayaa idul yimid markaasey hadal ku bilaawday iyadoo ninkii I bareysa “haye ninkani waa ninkii aan caruurta u dhalay, adna ninkan biri ayaan hotel isku guursaneynaa marka barasho wanaagsan, waana iga tageen.

Inkastoo ay aheyd xaalad adag oo ay adag  tahay in qofka u dilqaato, isla markaana keeni karta in qofku maskax ahaan isaba-maro haddana isla saacaddiiba waxaan go’aan saday in caruurtii si deg deg ah u celiyo, isna hilmaamsiiyo dhacdadaan xanuunka badan, go’aankaas ayaan qaatay oo aan ku liibaanay, ilaa hadana ma aanan guursan.

W/Q: Bashiir Maxmud

LEAVE A REPLY