Waa Kuma Shakhsiga Loo badinayo in uu Noqdo Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Banaadir?

by Farah C/laahi | Sunday, Apr 9, 2017 | 54 views

Sida ay sheegayaan warar hoose oo uu helayo Garsoor Online waxaa tartan adag loogu jira xilalka kuxigeenada Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo dhawaan la magacaabay.

Mas’uuliyiinta uu saameyn doono isbadalka Maamulka gobolka Banaadir waxaa ka mid ah Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada gobolka Banaadir oo uu hada hayo Ismaaciil Guure.

Ila lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in tartanka loogu jiro kursigaasi uu aad u adag yahay, hase ahaatee uu hada hogaaminayo Maxamed Xasan Kaaliye oo hada ah Wasiir kuxigeenka wasaarada Caafimaadka Maamulka Galmudug.

Maxamed Xasan Kaaliye ayaa la sheegayaa in uu hada ugu cad-cad yahay xubnaha doonaya in ay kursigaasi helaan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in Maxamed Xasan Kaaliye ay gadaal ka riixayaan siyaasiyiin ku dhaw-dhaw Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Maxamed Xasan Kaaliye ayaa lagu amaanaa shaqada uu ka qabtay wasaarada Caafimaadka Maamulka Galmudug, waxana dadka yaqaan ay sheegayaan in uu wax badan ka badali karo hanaanka maamul iyo midka maaliyeed ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response