Waa Kuma Qofkii Fuliyay Weerarkii Hotel Dayax

by Farah C/laahi | Friday, Jan 27, 2017 | 31 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Waxaa la ogaaday Magaca Ninkii fuliyay Qaraxii koowaad ee uu ku bilawday weerarkii lagu qaaday Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in ninka fuliyay Qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Fatxi Cabdulaahi oo dhawaan ku soo biiray Xarakada.

Al Shabaab waxa ay sheegeen in Ninkan uu hore u ahaa ilaalada Taliyaha Ciidanka NISA ee Jubbaland, isla markaana uu horay uga soo goostay Maamulkaasi.

Cabdiraxmaan Fatxi Cabdulaahi aya ku biiray Al Shabaab markii uu dilay taliyihii hore ee NISA dhanka Jubbaland oo uu ilaaladiisa kamid ahaa.

Cabdiraxmaan Fatxi Cabdulaahi Fuliyaha Qaraxii koowaad ee lag u qaaday Hoteelka Dayax 

Weerarkii lagu qaaday Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho oo ka koobnaa labo qarax iyo dagaal fool-ka-fool ah ayaa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay 30 ruux halka in ka badan 51 qof ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Al Shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaasi ku dileen Askar, saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response