Taariikhda Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare?

Taariikhda Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare?

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Senator Abshir Axmed Maxamed waa Aqoon yahan da’ yar, wadani, samafale ah, waxana si xoowli ah uu hada uga dhex muuqanayaa siyaasada dalka Soomaaliya.

Haddaba waa Kuma Senator Abshir Axmed?

Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Aqalka Sare: Abshir Maxamed Axmed Bukhaari

Waxaa uu dhashay June 1970-kii, waxaa uu ku dhashay Xarardheere.

Abshir Axmed waa si fiican u yaqaano qeybo badan oo bulshada ka tirsan, waxaa lagu bartay siyaasadda, Saxaafadda, waxbarashada, hey’adaha ka shaqeeya arrimaha banii’aadnimada iyo qeybo kale.

Abshir (Bukhaari), waxaa shakhsi khibrad badan leh, wax badan ka yaqaano siyaasadda Soomaaliya, xiliyadii dambe goobaha uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah:

1991-1992: Care International

1996-1998: Hey’adda AMA

1999: BBC Monitoring

2004-2006: Hey’adda CRD, isku duwaha barnaamijyada

Waxaa uu muddo ka shaqeeyay UN HABITAT

2006-2010: Telefishanka Caanka ah ee Al-Jazeera Network

2010-2011: Agaasime Madaxtooyada Soomaaliya

Maamulahii hore iyo Milkiilaha Goobjoog Media Group iyo Somali Media

Aasaasaha Baarlamaanka Barbaarta oo ka kooban tiro la mid ah tirada Xildhibaanada federaalka oo 30% ay gabdho yihiin.

Abshir Bukhaari, waxaa uu wax badan ka qabtay arrimaha banii’aadamnida, waxaa kaloo uu lahaa goobo waxbarasho oo lagu daryeelo caruurta, dadka dan yarta ah iyo xitaa caruurta dadka laga tirada badan yahay.

October 15, 2016: Waxaa uu Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) noqdey senator-kii ugu horeeyay ee la doorto, xilligaasi kadib waxaa uu xafiis doorasho deegaan ka furtey Cadaado isagoo dhisey Iskuul barakacayaal wax ku bartaan.

Garsoor Online — MUQDISHO

LEAVE A REPLY