Video: Sidee ayuu u Dhacay Qaraxii Maanta ee Muqdisho

Video: Sidee ayuu u Dhacay Qaraxii Maanta ee Muqdisho

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Labo qarax iyo weerar fool-ka-fool ah ayaa lagu qaaday Hoteelka Dayax ee ku yaala wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa ahaa mid xoogan, waxan uu burburiyay dhismayaal badan oo ka horeeyay Hoteelka,waxana la sheegay qasaaro badan uu ka dhashay weerarkaasi.

Qaraxa labaad ayaa loo adeegsaday Gaari NOHO ahaa oo la dhigay laamiga dhinaciisa.

Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa ku dhintay 30 kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada iyo weerarkaasi.

Dadka dhintay waxaa ku jiray labo malaaq, halka dadka dhaawacmay ay ku jiraan suxufiyiin fara badan.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaasi, waxana ay sheegeen in ay ku dileen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Somalia.

Daawo sida uu u dhacay Qaraxii Labaad ee Maanta:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY