Vedio: Waxaa Dhiman in La Qabsado Villa Somalia – Fiqi

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 24, 2017 | 45 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ah mudane ka tirsan Barlamaanka Golaha Shacabka Soomaliya, lagana soo doorto Maamulka Galmudug ayaa xaalada dalka Soomaaliya uu hada marayo.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in sharciga aduunka uu dhigayo in Maxkamad la soo taago qofkii dowlad ka tirsan oo la shaqeeya shisheeye, dalka cadow ku ah.

Waxa uu tilmaamay in danbi daran ay tahay in qof ay wataan ama u ololeynayaan dowlado shisheeye uu fariisto kursiga Madaxweynanimo ee dalka, waxana uu hoosta ka xariiqay in hadii ay taasi dhacdo uu qofkaasi ka shaqeynayo danaha shisheeyaha.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sanadkan ay xildhibaanada saarantay mas’uuliyad weyn, isla markaana ay dooran doonaan qofka ugu wadanisan ee dalkan ka saari kara dhibaatooyinka ah in Madaxda dowlad goboleedyada loo yeero lagu qasbo in musharaxiin gaar ah lagu qasbo in ay u ololeeyaan.

Waxa uu tusaalo u soo qaatay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu sheegay in Gabra uu ku yiri “mudo todobaad ah ayaan xilka kaa qaadeynaa hadii aadan taageerin musharaxa aan wadano oo ah Xasan Sheekh Maxamuud”.

Axmed Macalin Fiqi ayaa xusay in Soomaaliya ay noqotay meel ay haweysato qofkasta, taasna loo baahan yahay in laga baxo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya lagu sameeynayo waxkasta oo xun, xitaa dadka qaar ayuu tilmaamay in aysan hadli karin.

Mr. Fiqi carabka ku adkeeyay in aysan jirin waxa ay u reebteen Soomaaliya dowladaha dariska ah, waxa haray oo kaliyana ay tahay Villa Somalia.

Daawo Video Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

 

Like it? Share it!

Leave A Response