USA oo Saldhig Ka Sameysanay Magaalada Hobyo

by Farah C/laahi | Sunday, Feb 19, 2017 | 47 views

MUQDISHO (Garsoor Online) —  Ciidamda Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay Saldhig wadajir ah ay ka sameysanayaan iga iyo Maraykanka deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Saadaq Cumar Xasan, Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida Galmudug ayaa saxaafada u sheegay Magaalda Hobyo ee gobolka Mudug gaar ahaan xeebaha ay saldhig ka dhisanayaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Maraykankaa.

Ujeedka ayuu sheegay in uu yahay in lala dagaallo Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxaha Burcadbadeeda Soomaaliya.

Ciidamada Galmudug ayaa doonaya in ay  Al-Shabaab ka saaraan degmada Xarardheere , waxaana ay rabaan in ay sameystaan saldhigyo ay kasoo weeraraan degmadaasi.

Lama Oga in ay dowladda dhexe ay ka war heyso Saldhiga Saraakiisha Galmudug sheegeen in ay ka dhisayaan Hobyo oo ay dajin doonaan ciidamada Maraykanka.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response