UN-ka oo Digniin Ka Soo Saaray Xaalada Dalka Somalia

by Farah C/laahi | Tuesday, Feb 21, 2017 | 67 views

NAIROBI (Garsoor Online) — Qaramada Midoobey ayaa ka qeylo dhaamisay Abaarta ba’an ee ka jirta dalalka Soomaaliya , Yemen iyo Nigeria.

Hay’adda Caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa sheegay in 1.4 Million oo caruur ah in ay Qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan Macaluul sanadkaan gudihiisa hadii aan si deg deg wax looga qaban.

UNICEF  ayaa ka codsatay deeqbixiyeyaasha caalamka in sare loo qaado gargaarka Bani’aadamnimada ee la siiyo dadka kunool Geeska Afrika , maadaam ay haystaan dhibaatooyin adag.

Hay’adaasi ayaa  sidoo kale sheegay inta badan dadka Soomaaliyeed ay saameysay abaarta, islamarkaana ay la il daran yihiin cunto yari,  iyo Biyo la’aan.

UNICEF ayaa sidoo kale ku baaqday in hadalka Ficil loo badelo , islamarkaana waxqabad la muujiyo si dadkaasi loo badbaadiyo.

Hadalka kasoo baxay hay’adaasi Qaramada Midoobay ayaa kusoo beegmaya xilli Abaarta ka jirta Soomaaliya ay kasii dareyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response