Todobaadka dowladda Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda oo si rasmi ah uga bilawday Magaalada Baydhabo

by Farah C/laahi | Monday, Mar 27, 2017 | 26 views

BAYDHABO (Garsoor Online)— Todobaadka dowladda Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda oo si rasmi ah uga bilawday Magaalada Baydhabo

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed si rasmi ah kaga furmay kulanka is aaminaada iyo isla xisaabtanka Maamul Koonfur Galbeed iyo shacabka.

Kulankaan ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta Dhallinyarada Koonfur Galbeed, wuxuuna ujeedkiisa yahay inay shacabka madaxdooda waydiiyaan waxa ay u qabteen, isla markaasna Su’aalo laga waydiiyo waxyaabaha ay qaldeyn si ay isaga saxaan.

Waxaa kasoo qeybgalay Odayaasha, Dhallinyarada, Haweynka, Ardayda, Macalimiinta iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Koonfur Galbeed.

Waxaa kulanka sidoo kale kasoo qeybgalay inta badan wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano, waxaana si rasmi ah kulanka u furay Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Waxaa ugu horreyn meesha ka hadlay wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan maadaama ay wasaaradiisa shaqadaan qabaneysay soona diyaarisay wuxuuna ka dhawaajiyey inuu si weyn ugu faraxsan yahay qaabka uu u furmay kulankaas isagoo dadweynihii kasoo qeybgalay ugu baaqay inay Su,aalaha ay doonayaan, waxa la qabtay iyo waxa qaldan waydiiyaan Wasiirada iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Sida uu qorshaha ahaa waxaa isla xisaabtanka lagu bilaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo halkaas lagu waydiiyey ilaa 20 Su’aalo oo ku saabsan waxqabadka maamulkiisa, wuxuuna ka bixiyey dhammaantood jawaabo ay ku qanceyn shacabkii wax waydiiyey.

Shariif Xasan ayaa xusay in Maamulka Koonfur Galbeed markiisii hore lagu dhisay geed hoostiisa maantana uu ku shaqeenayo madaxtooyada aadka u qurxoon ee ku taal Magaalada Baydhabo wuxuuna ku tilmaamay midaas inay muujineyso sida ay dowladiisa waxqbad fiican usoo bandhigtay.

Wuxuu sheegay in dowladiisa ay wax badan ka qabatay Amaanka, Dib u heshiisiinta, waxbarashada sidoo kalana ay howlo samafal ah u sameysay dadka ay abaarta saameysay ee ku dhaqan deegaanada uu ka arrimiyo Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa tilmaamay inay dowladiisa qabatay inta karaankeeda ah isla markaasan uusan bini,aadamka dhameystirneyn, loona baahan yahay in la dhameystiro waxyaabaha u harsan maamulkiisa.

Dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamka ayuu ka codsaday in si deg deg ah loogu soo gurmado dadka ay abaarta saameysay isagoo halkaas kaga dhawaajiyey in dhallinyarada Koonfur Galbeed oo ay abaarta saameysay ku sigan yihiin inay ku biiraan ururuka Al-Shabaab iyadoo looga faa’ideysanayo abaaraha dalka ka jiro.

Shariif Xasan ayaa halkaas kusoo bandhigay buug lagu soo koobay waxqabadka Maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban ilaa 50 Page, waxaana ku qornaa dhammaan wax qabadka wasaaradaha kala duwan ee maamulkaas, halkaas ayaana loogu qeybiyey dhammaan dadkii kasoo qeybgalay.

Berri 27 March  waxaa ballansan ilaa afar wasiir oo iyagana ay dadweynaha su,aalo halkaas ku waydiin doonaan, waxaana la rajeenayaa inay soo bandhigaan waxqabadkooda sidoo kalana ay dadka uga jawaabaan waxa la waydiiyo.

Kulanka loogu magac daray (Todobaadka Dowladda Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda) ayaa maalintiisa koowaad kusoo dhamaaday jawi dagan iyo guul, wuxuuna socon doonaa ilaa 30 March 2017.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response