Tiro Caruur ah oo ku geeriyooday Madfac ku dhacay Gurigooda

Tiro Caruur ah oo ku geeriyooday Madfac ku dhacay Gurigooda

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) —  2 Caruur ah ayaa ku geeriyooday 5 kalana oo iskugu jiro caruur iyo dad waa wayn dhaawac ayaa ka soo gaaray.

Geerida caruurtan iyo dhaawaca dadka kale ayaa yimid kadib markii gurigooda oo ku yaal Degmada War-Dhiigleey uu ku dhacay madfac qayb ka ahaa madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada oo ay ka socotay xalfad xil wareejin ah oo ay xilalka kulak ala wareegayeen madaxwaynihii hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Qof deegaanka ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in  Hoobiye ku dhacay Guri ku yaalla dhabarka dambe ee Iskuulka 15 May uu Khasaarahaasi geystay.

Dagalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay madaafiicda maanta ku dhacday nawaaxiga xarunta madaxtooyada Soomaaliya in ay iyaga ka danbeeyeen mas’uuliyadoodana ay lahaayeen.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY