Tarantan Adag oo Lagu Doonayo Xilka RW oo Socoda

by Farah C/laahi | Saturday, Feb 11, 2017 | 27 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Beelaha ku abtirsada Hawiye ee maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Banaadir ayaa wada olole gaar gaar ah oo ay ku kala doonanayaan xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Madaama beesha Daarood ay heshay Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, beesha Hawiye ayaa iska leh xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya sida awood qeybsigu uu sheegayo.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Habargidir ayaa kulamo ku leh Magaalada Muqdisho waxana ay ku doonayaan sidii ay ku heli lahaayeen jagada ugu sareysa ee Beesha Hawiye ay ku lahaan doonto dowladda soo socota.

Guuxa ku aadan xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee soo socda ayaa Muqdisho laga dareemayaa waxna sidoo kale tartan tan adag ku jira siyaasiyiinta beesha Abgaal oo doonaya iyaguna in ay helaan kursigan.

Beesha Abgaal ayaa 12kii sano ee la soo dhaafay helayay jagada ugu sareysa ee dowladihii dalka soo maray ay ku lahaayeen beelaha Hawiye.

Inkastoo aan wali la ogeyn cid uu u magacaabi doono xilka Ra’iisul wasaaraha Madaxweynaah Arbacadii la doortay, hadana hadal heynta ayaa ah in Habargidir uu siin doono Jagadan.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response