Taliyihii Al Shabaab ee gobolka Gedo oo La Dilay

Taliyihii Al Shabaab ee gobolka Gedo oo La Dilay

0
SHARE

GARBAHAAREY (Garsoor Online) — Wararka laga helayo gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ciidamda dowladda ay ka sameeyeen gobolkaasi lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa Xarakada AL Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Garsoor Online in Ciidankoodu ay deegaan lagu magacaabo Tuulo-Barwaaqo oo qiyaastii 18km u jirta Magaalada Garbahaarey ay ku dileen Taliyihii Ciidamada Ururka Al Shabaab ee Gobolka Gedo, Cabdulaahi Qanaas.

Saraakiisha ayaa sheegay Cabdulaahi Qanaas lagu dhex dilay xero ciidan oo Shabaab ay ku leeyihin Tuulo Barwaaqo, iyadoo lala dilay tiro ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

Waxa kaloo la sheegayaa in sidoo kale la soo qabtay hogaamiye sare oo ka tirsan Al Shabaab oo ku sugna halka uu ka dhacay weerarka.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay heleen macluumaad la xiriira halka uu ku sugan Yahay Cabdulaahi Qanaas, taasna ay ka saaciday in ay weerarkaa ku dilaan sida ay hadalka u dhigeen.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY