Sidee lagu Xalinaa Hadii Xildhibaan Ka tirsan Barlamaanka 10aad uu Geeriyoodo ama uu shaqada ka tago?

by Farah C/laahi | Sunday, Jan 15, 2017 | 42 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Gudigga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal iyo Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya ayaa go’aan ka gaaray sida laga yeelayo hadii xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka uu kursigiisa faarujiyo.

Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudigga Doorashooyinka ayaa isla qaatay go’aan mideysan oo ku aadan sida lagu xalin karo hadii xildhibaan uu ka tago shaqada ama uu geeriyoodo.

Go’aankan ayaa u muuqda mid waxbadan ka badali kara dhaqankii hore ee lagu keeni jiray xubinta badaleysa booska uu baneeyo xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

DHAGEYSO Go’aanka La soo saaray oo ah Mid Xasaasi ah:

 

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response