Shariif Xasan Aadan Mudo Todobaad ah ha lagu Rido

by Farah C/laahi | Friday, Feb 3, 2017 | 54 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Xildhibaano gaaraya 70 mudane oo ka tirsan Barlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxa ay dalbadeen in xilka uu iska dhiibo madaama uu ku fashilmay hogaaminta dadka reer Koofur Galbeed, isla markaana uu wax ka qaban waayay xaalada daran ee ka jirta deegaanada Maamulkaasi.

Sidoo kale siyaasiyiin ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa dalbanaya in xilka mudo todobaad gudaheed ah looga qaado Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegeen in uu yahay hogaamiye fashilmay.

Hadalkan ayaa laga sheegay kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxana ay sidoo kale ku baaqeen in meel looga soo horjeesto Shariif Xasan Sheekh Aadan.

DHAGEYSO

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response