Shariif Xasan: Balantii ayaa Looga Baxay Reer Koofur Galbeed – Dhageyso

Shariif Xasan: Balantii ayaa Looga Baxay Reer Koofur Galbeed – Dhageyso

0
SHARE

BAYDHABO (Garsoor Online) — Gudoomiyah Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta Baydhabo ka sheegay in xildhibaano ka soo jeeda Koofur Galbeed ay balantii uga baxeen isaga.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tilmaamay in hamigiisu uu ahaa in dadka ka soo jeeda Gobolada Koofur Galbeed ay helaa labada jago ee ugu sareysa dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku cel-celiyay in marnaba aysan ka tanasuli doonin doonistooda ku aadan in ay helaan jagooyinka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mid kood.

Gudoomiyaha Koofur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqay in ujeedka ugu weyn ay lee yihiin ay tahay in dib loo soo celiyo Awoodii ay Soomaaliya la heyd sagaashanaadkii.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sanadkan doonayay in uu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo uu isku soo sharaxay, hase ahaatee beeshiisa ayaa heshay kursiga Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya taasi oo ka saareysa in uu tartanka ka qeybgalo.

Garsoor Online — BAYDHABO

LEAVE A REPLY