Shariif & Guuleed oo Laga Mamnuucay dalka Kenya

by Farah C/laahi | Tuesday, Feb 7, 2017 | 9 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — War ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dalkaasi laga mamnuucay in ay safar ku tagaan labo madaxweyne Goboleed oo ka tirsan maamulada Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in dalkeeda aysan safar ku imaan karin Madaxweynayaashada Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Labadan Mas’uul ayay ku eedeeysay xukuumadda Nairobi in ay la safteen oo ay taageereen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay Kenya u aragto in uu cadow ku yahay dalkaasi.

Dowlada Kenya waxeey ku heeysataa Madaxweyne Xasan Sheekh dacwaddii badda ee looga guuleeystay Kenya wax ayna rabtaa in usan Somaaliya Madaxweyne ka sii noqon Xasan Sheekh.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in Kenya ay dagaal kula jirto Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay Kenya uga joojiyay Khaadkii ay keeni jireen Muqdisho iyo arrinta badda.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dowladda Ethiopia ay ku qasabtay in uu taageero Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu dalka u hogaamiyo afarta sano ee soo aadan.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

 

Like it? Share it!

Leave A Response