Shaqaalo ka tirsan Hay’adda WHO oo lagu afduubtay Gobolka Gedo

Shaqaalo ka tirsan Hay’adda WHO oo lagu afduubtay Gobolka Gedo

0
SHARE

Luuq (Garsoor Online)—Wararka laga helayo Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay qafaasheen Gaari ay la socdeen Shaqaale ka shaqeeya Talaalka.

Gaarigan oo ka ambabaxay Degmada Luuq, ayaa ku wajahnaa Degaanka Maganeey oo qiyaas ahaan 15Km u jira Degmada Luuq, sida ilo wareedyo ay sheegeen.

Shaqaalaha oo gaaraya 4 Ruux iyo Dareewalka Gaariga ayaa lagu soo waramayaa in Al Shabaab ay la aadeen Degaanka Goolweyn oo qiyaas ahaan 30Km u jira Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Degaankan ayaa waxaa gacanta ku haya Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Shaqaalaha la afduubtay oo Soomaali ah ayaa ka howlgalla Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) ay ku leedahay Degmada Luuq ee Gobolkaasi.

Weli lama oga sababta ka dambeysa afduubka lagula dhaqaaqay Shaqaalahaasi ka shaqeynayay Talaalka.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Luuq oo ku aadan afduubkaasi.

LEAVE A REPLY