Shabaab oo sidii Ceelcade oo Kale Ku Sameeyay Kulbiyoow

by Farah C/laahi | Friday, Jan 27, 2017 | 43 views

KULBIYOOW (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya gobolka J/hoose ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar xoogan lagu qaaday fariisin Ciidanka Kenya ay ku lee yihiin deegaanka Kulbiyoow ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garsoor Online in weerarku uu ku bilawday Qaraxyo Ismiidaamin ah, iyadoo ay xigtay rasaas xoogan oo ay is weydaarsadeen dhinacyada dagaalamaya.

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay weerartay fariisin ay Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee gobolka J/hoose, waxana ay sheegeen in ay la wareegeen deegaankaas.

Dadka qaar ayaa ku sifeynaya weerarka Kulbiyoow in uu la mid yahay mid lagu qaaday Ceelcade oo kale.

Al Shabaab waxa ay sheegayaan in ay Askar Kenyaan ah ku dileen Kulbiyoow, waxana ay sheegeen in hada ay gacanta ku hayaan halkaasi.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response