Shabaab oo Soo Bandhigay Weerarkii Kulbiyoow

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 31, 2017 | 58 views

KULBIYOOW (Garsoor Online) — Xarakada Al Shabaab ayaa si rasmi ah u soo bandhigay Sawirro ay ku muujinayaan weerarkii ay 27kii bishan ku qaadeen Xero Ciidanka Kenya ay ku lee yihiin deegaanka Kulbiyoow ee gobolka J/hoose.

Al Shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid ay lee yihiin Kenya oo gubanaya iyo kuwa kale oo ay weerarkaasi ku soo qabsadeen.

Sawirada Al Shabaab ayaa soo bandhigay xerada oo gubaneysa iyo ciidamadooda oo gudaha ugalay.

Sidoo kale, Al Shabaab ayaa soo bandhigay meydadka Askar Kenyan ah oo lagu dilay gudaha xerada.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response