Senatorkii 7aad ee Somaliland ka socda oo Goordhaw Lagu Doortay Muqdisho, Waa Kuma?

by Farah C/laahi | Monday, Jan 16, 2017 | 201 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa ku guuleystay kursigii 7aad ee Senator-da Somaliland ku matayala Aqalka Sare ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Doorashada oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa ku tartamay musharaxiinta kal ah Xuseen Ceelabe Faahiye, Maxamed Aadan Waaberi, Axmed Cabdi faahiye iyo Ayuub Ismaaciil Yuusuf.

Codeynta kaddib ayaa gudigga Doorashada ay ku dhawaaqeen Natiijada waxana ay sheegeen in Ayuub Ismaaciil Yuusuf uu helay 39 cod, halka Xuseen Ceelabe Faahiye oo ku soo xigay uu helay 4 cod.

Dadka wax dooranayay ayaa ahaa Ergo laga soo xulay beelaha uu ka dhexeeyo Kursiga ee daga Somaliland.

Waa Kumad Ayuub Ismaaciil Yuusuf?

Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa ka soo shaqeeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya intii uu joogay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Sidoo kale waxa uu muddo dheer ahaa Xogheynta Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Waa Senatorkii 7aad ee lagu doorto Magaalada Muqdisho, waxana horay loo doortay 6 senator oo ka soo jeeda deegaanada Maamulka Somaliland.

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response